Xiriirka Somali Teqball ayaa waday in ay gaarsiiyaan ciyaaraha Teqballka Magaaloyinka iyo degmooyinka wadanka, sidaa darteed waxaa nasiib u helay degmada Warta Nabadda in lagu daahfuro cayaaraha Teqballka iyadoo loo qabtay 5 kooxood oo ka tirsan degmada, Tartanka waxaa la cayaari doonaa maalmaha Arbacada iyo Sabtida iyadoo ay ka dhacayso garoonka degmada wart nabadda.

Waxaa soo dhaweeyey cayaaraha Teqballka ee laga furay degmada Warta nabadda gudoomiyaha Cayaraaha Warta Nabadda isagoo sheegay in ay nasiib u heleen in markii ugu horeysay lagu daahfuro degmada Warta Nabadda, wuxuuna u mahaceliyeye xirriirka Teqballka Soomaaliye oo ugu horeeyo Guddoomiye Mocoow iyo Guddigiisa oo geliyay juhdi adag si uu uga hergeliyo Soomaaliya cayaaraha teqballka.

abdullahi Macoow
April 12, 2022

Leave a Reply

Your email address will not be published.